Ciidamada Itoobiyaanka oo baaritaano ka wada Xuduuda Soomaaliya & Itoobiya
Beledweyn — Ciidanka Ethiopia ee jooga isgoyska Kalabeyr ee G/hiiraan ayaa wado baaritaano ku samaynaya gaadiidka isaga kala goosha Gobolada Dhexe is maamulka somaalida ee Ethiopianka gumaysato.
Â
Mid kamid ah wadayaasha gaadiidka ka shaqeeyo Gobolada dhexe ee mara kala beyr oo lagu magacaabo Siciid Maxamad ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka Ethiopia ee halkaasi ku sugan ay bilaabeen in baaritaan xoogan oo mudo saacad qaatay ay ku sameeyeen gawaarida Xamuulka iyo ee wadadaasi laamiga ah maraya.
Â
Siciid Maxamad waxa uu intaasi ku daray in Ciidanka Ethiopia ay xoojiyeen howlihii baaritaanada ahaa ay ku samaynayeen gawaarida xamuulka xili haatan la sheegayo in Ethiopia ay gabi ahaanba rarka ka dajinayaan gaadiida kadibna ay baarayaan iyagoo gfoojigan.
Â
Ciidanka Ethiopia ee ku sugan isgoyska kala beyr baaritaanada xoogan ay ku samaynayaan gaadiidka xamuulka iyo kuwa kale ayaa u muuqda mid ay kaga taxadarayaan in saanad militari ay u gudubto Jabhadaha la dagalama Ethiopia iyo weeraro ismiidaamin ah oo kaga yimaada kooxaha ka dagaalamo Soomaaliya iyadoo taasina ay walaac ka muujinayaan wadayaasha gaadiidka xamuulka ee mara gudaha G/hiiraan.
Ibraahim Muxumed
Bartamaha wararka Soomaaliyeed – www.Bartamaha.com
Comments
comments