Calendar

Ciidamada Soomaliya oo fulinaya qorshe cusub oo nabadd Muqdisho lagu sugayo

Ciidamada booliska ayaa fuliyay qorshe nabadeed cusub magaalada Muqdisho ayaga oo kaashanaya ciidamada Ururka Midowga Afrika si ay u cirib-tiraan inta ka hartay al-Shabaab ee ku qarsoon magaalada.

“Ciidan khaas ah oo booliska ah iyo cutubyo nabad-sugidda ah oo loo xil saaray ka hortagga weerarada argagixisada iyo howlgalada ayaa fulinaya qorshahan ammaanka si looga tirtiro Muqdisho al-Shabaab xubnaha ugu qarsoon,” ayuu yiri Jeneraal Cabdullaahi Xassan Bariise, madaxa dambi baarista.

Qorshaha ammaanka ololaha cusub ayaa, booliisku Oktoobar 10-keedii ku aqoonsatay kuna xirtay boqolaal lagu tuhmay in ay yihiin xubno al-Shabaab ka tirsan. “Waxaan xirnay 360 oo qof markii aan dhowaan fulinay hawlgallada, balse markii ay booliiska iyo ciidamada ammaanku baareen tuhmanayaasha, waxaan xaqiijinay in 62 ka mid ah ay yihiin xubno ka tirsan al-Shabaab oo ay raadinayeen ciidamada ammaanka halka inta kalena ay cadaatay in ay bari yihiin oo la sii daayay,” ayuu yiri Bariise.

“Booliska waxay kale oo heleen hub aad u tira badan, oo ay ka mid yihiin waxyaabaha qarxa, bamka gacanta, aaladaha qarxa, iyo qoryaha darandooriga u dhaca oo ku qarsoonaa guryo ku yaala dagmada Hodan ee Muqdisho oo ay soo sheegeen dadka xaafada daggan,” ayuu yiri.

Sida qorshahan cusub uu qorayo, ciidamada militariga iyo booliska kaliya ayaa loo ogol yahay in ay hub ku dhex wataan magaalada, in yar oo ka mid ah ilaalada nabad sugidda madaxa banaan oo ogolaansho qoraal ah ka heysta dowlada Soomaaliyana waa loo ogol yahay.

Bariise wuxuu ku adkeeyay shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda ee nabadda ka shaqeeya ayna u soo gudbiyaan wixii war ah ee caawinaya sugidda nabadda Muqdisho. “Waxaan ugu yeeraynaa dadka daggan deeganka in ay caawiyaan ciidamda nabad sugida si ay u jabiyaan unugyada argagaxisada ah ee dhibaatada u geysanaysa xaalada nabadda,” ayuu yiri.

Gaashaanle Sare Cali Cabdiraxmaan, oo ka mid ah Ciidamada Nabad-Sugidda Soomaaliya ee u xil saaraan howl-galka dagmada Hodan, ayaa yiri qayb ka mid ah 62-da qof ee la soo qabtay waxay ka mid ahaayeen waax argagaxisada ah oo isku qarisa deeganka maalintii, habeenkiina falal argagaxiso ah ku kaca.

“Waxaan u baari doonaa xaafadaha guri-guri, anaga oo raadinayna hub sharci darro ah ama waxyaabaha qarxa, gaar ahaan meelaha ay ciidamada nabad-sugidda ku tuhunto unugyo al-Shabaab ah in ay isku qarinayaan,” ayuu u sheegay Sabahi. “Howlgalkaan wuu ka sii soconayaa magaalada dhexdeeda ilaa la jabiyo al-Shabaab unugyadooda.”

Kormeerka nabad-sugidda habeenkii

Maxamad Ibraahim, oo ah Dhamme Booliska ah, ayaa yiri qorshaha nabadda lagu sugayo waxaa ka mid ah kormeero habeenkii ah.

“Waax booliis oo khaas ah ayaa lagu sii daayay isgoysyada waa weyn ee magaalada iyaga oo kormeerkooda wada 24 saacadood maalintii,” ayuu u sheegay Sabahi, isaga oo ku daray in ay waaxyo booliska ah ee Ergada Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalladaan nabadda lagu sugayo.

“Isu tagga ciidamada booliska ayaa wada howlo ay ku kormeerayaan iyo in ay si lama filaan ugu baarayaan guryaha looga shakiyo al-Shabaab cutubyo ah iyo kuwa nabad-diidka ah ay ku qarsoon yihiin,” ayuu yiri.

Ibraahim wuxuu yiri in kasta oo al-Shabaab looga adkaaday militari ahaan, haraadiga kooxda iyo kuwa la jira waxay isku dhex qarinayaan dadka deegaanka iyo shacabka maxalliga ah ee hoos jooga xukunka dawladda.

“Ciidamada ammaanka waxay ku jiraan heegan sare si ay uga hor tagaan isku dayga al-Shabaab unugyadooda qarsoodiga ah in ay is urursadaan oo ay sii wataan hawlgalladooda rabshadaha ah Muqdisho dhexdeeda,” ayuu yiri. “Waxaan sii wadaynaa qorshayaashan inta haraadiga kuwa ka soo horjeeda nabadda lagu burburiyo Muqdisho iyo agagaarkeeda. Ma joogsaneyno illaa caasimadda iyo magaalooyinka kale ay noqdaan ammaan xor ka ah xubnaha al-Shabaab.”

Tira u yeelidda guryaha iyo diiwaan gelinta dadka deegaanka

Maxamed Yuusuf, afhayeenka duqa magaalada Muqdisho, ayaa yiri qorshaha cusub ee ammaanka waxaa ku jira is afgarad xaafadaha Muqdisho ah iyo diiwaan gelinta dadka magaalada daggan.

“Tiro u samaynta guryaha ayaa hadda ka socda shan degmo: Xamar Weyne, Xamar Jajab, Waaberi, Shangaani iyo Boondheere,” ayuu u sheegay Sabahi, isga oo raaciyay in tiro u yeelidda jid walba oo Muqdisho ku yaala u caawinayo sugidda ammaanka iyo deganaanta caasimadda.

Yuusuf wuxuu kaloo yiri milkiilayaasha guryaha waa in ay la xiriiraan ciidamada nabadda ee munaasabka ah inta aysan ka kirayn guryaha dad tuhmanayaal ah si looga hor istaago haraadiga al-Shabaab in ay isku qariyaan xaafadaha.

Booliska oo mamnuucay baabuurta muraayadaha madow

Ciidamada booliska jidaddka ayaa amar ku bixiyay mamnuucidda baabuurta muraayadaha madow leh.

“Sharcigaan waxaa loo soo saaray si ciidamada nabad ilaalinta ay u aqoon sadaan dadka saaran baabuurta gudahooda,” Cumar Xassan, askari booliska jidadka ah, ayaa u sheegay Sabahi, isaga oo ku daray mamnuucaan in uusan qusaynin madaxda dowladda iyo kuwa baarlamaanka.

“Haddi ay dhaco in darawal gaari lagu qabto asaga oo wata baabuur muraayado madow, waxaan ku amraynaa in ay ka fujiyaan daaha madaw muraayadaha gaariga,” ayuu yiri. “Haddi ay diidaan ama ay isku dayaan in ay koolo madow saaraan, waa la ganaaxayaa.”

 __
Sabaaxi

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: