Ciidamo dowladda ah oo gadooday

Posted on Sep 6 2010 - 2:47pm by News Desk
Tweet
Pin It

DowladaBoqolaal ciidamada dowladda KMG ah ayaa maanta magaalada Muqdisho ka sameeyay gadood, kaasi oo saameeyay muddo saacado ah isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga ee Isgoyska KM Afar ee Muqdisho.

Ciidamada gadooday oo xirnaa dharka militeriga dowladda KMG ah ayaa waxay xireen jidka Maka al-Mukarama.

Ciidamadan oo ay ku jiraan qaar ka mid ah kuwo dowladda loogu soo tababaray dalalka Djibouti, Sudan iyo Uganda ayaa waxay ka cabanayaa mushaarooyin ka maqan.

Ciidamada ayaa sheegay in ay jiraan qaar ka mid ah ciidamada dowladda oo la siiyay mushaar qaarna aan la siin.

Ciidanka gadoodka sameynayay ayaa markii danbe ka kala dareeray jidka, kadib markii ay wada hadal ugu yeereen taliska sare ee ciidamada Soomaaliya.

___

BBC Somali