Wednesday, March 25, 2015

Ciidanka ammaanka oo Muqdisho hawlgal ka wada

Muqdisho(Bartamaha) Ciidamada ammaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa saaka qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka wada hawlgallo lagu sugayo nabadgalyada magaalada Muqdisho ee xarunta dalka. Ciidamada Nabad sugidda iyo booliska dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya ayaa lagu arkayaa iyaga oo baaritaano ka samaynaya wadooyinka caasimadda Muqdisho iyagoona baaraya gaadiidka dadweynaha iyo dadka shacabka ah […]

muqdisho cadeey

muqdisho cadeeyMuqdisho(Bartamaha) Ciidamada ammaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa saaka qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka wada hawlgallo lagu sugayo nabadgalyada magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.

Ciidamada Nabad sugidda iyo booliska dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya ayaa lagu arkayaa iyaga oo baaritaano ka samaynaya wadooyinka caasimadda Muqdisho iyagoona baaraya gaadiidka dadweynaha iyo dadka shacabka ah ee adeegsanaya wadooyinka qaar ee Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgallada looga gol leeyahay sidii loo xoojin lahaa sugidda amniga guud ee caasimadda Muqdisho,wuxuuna tilmaamay iney sii wadayaan hawlgallada ay ka wadaan xaafadaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Comments

comments

0 comments

Sign In

Register

Reset Your Password

Email Newsletter

cccc