Calendar

Cumar Xamaami Oo Ka Mid ah Saraakiisha Sare Shabaab Oo Lagu Daldalay Soomaaliya

Warar aan la xaqiijin, oo ka yimid dalka Soomaaliya ayaa sheegaya Cumar Xamaami oo ka tirsanaa Saraakiisha ugu sareeya ajaaniibta ah, ee ka barbar dagaalama Shabaab-ka Soomaaliya in lagu daldalay Soomaaliya.
Hamaami, oo sidoo kale loo yaqaan Abu Mansoor Al-Amriki ayaa ku biiray Al-Shabaab sanadkii 1999-kii, waxana uu ka mid noqday saraakiisha ugu sareeye ee ururka.
Wararkan ayaa maanta oo Sabti ah, waxa laga siidaayay Idaacadda NBC News, iyo sidoo kale war saxaafadeed ka soo baxay Shabaab Xafiikooda.
Dhowr toddobaad ka hor, ayaa Hammami oo ka soo jeeda gobalka Alamaba ee dalka Maraykanka, waxa uu sheegay in nafasadiisa ay qatar ugu jito gacanta Shabaab-ka, Laakin Shabaab waxa ay sheegeyn in uu goob ammaan ah uu ku sugan yahay uuna badaqabo.
Ninkan waxa uu ka mid yahay dadka ajaaniibta ee ugu sareeya ee ku jira Shabaab oo si rasmi ah u shaaciyay in ay ka tirsan Al-Qaacida, waxana uu heestaa dhalashada dalka Maraykankan, laakin aabihiis waxa uu ka soo jeedaa dalka Syria, hooyadiisna waa Maraykan

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: