Calendar

Daawo, Soomaliland oo cabsi kaqabta dagaal uga yimaada xukuumada cusub ee Puntland

Hargaysa _ Maamulka Soomaliland ayaa cabsi xoogan kaqaba dagaal uga yimaada Xukuumada cusub, ee Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Puntland ayaa waxaa dib ugusoo laabtay  siyaasiyin horay xilal uga kala hayey Soomaliland iyo maamulka Khaatumo oo xligaan umuuqda maamul sii bur buraya.

Siyaasiyinta Soomaaliland Gaar ahaana kuwo xisbiyada Mucaaradka ah ayaa warbaahinta ka muujiyay cabsi ay kaqabaan dagaal xukuumada cusub ee Puntland kusoo qaado deeganada ay xiligaan gacanta ku hayaan Somaliland.

Guddomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay hadalo laga dheehan karo kalsooni daro uu kaqabo xukuumada Pro. Gaas.

Faysal Cali Waraabe ayaa kacodsaday Madaxweynaha Puntland inuu baajiyo dhiig ku daata dagaal dhexmara Puntland iyo Somaliland, isagoona Cadeeyay in madaxweynaha Somaliya uu doonayo dagaal dhexmara labada maamul.

Siyaasigaan Somaliland kasoo jeeda ayaa hadaladisu isugu jireen codsi iyo hanjabad uu ujeedinayo madaxweynaha Puntland, waxaana hadalkisa laga dheehan karaa cabsi uu kaqabo dagaal uga yimaada PL.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa horay usheegay in midnimada Puntland ay tahay muqadas lama taabtaan ah, waxaana uu cadeeyay inay muhiim tahay sidii dib looguso celin lahaa deeganada kamaqan gacanta dowlada.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: