Calendar

SAWIRO: Berlusconi oo mehersaday gabar u ka wayn yahay 50-sano

Ra’isal wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berluscono oo kahadlayay barnaamij aad loo daawado oo kasoo baxa TV uu isaga leehyahay ayuu u shaaciyey inuu mehersaday gabadha la yiraahdo Frencesca Pascale.

Berlusconi oo 76-jir ah ayaa gabadha uu meher saday waxa ay jirtaa 27-sano iyadoona ay gabadhiisa curuda oo la yiraahdo Marina ay ka weyn tahay 18-sano.

“Ugu danbeyntii waxa dareemayaa inaan cidlo ayeen” ayuu yiri Berlusconi. “waan mehersaday, waana shaacsan tahay iminka”.

“waa 27-jir, aad u qiimo badan, kana qurux badan gudaha, kana sii qurux badan in badan qalbigeda” ayuu raaciyey.

Berlusconi oo billionaire ah ayaa horey labo jeer usoo guudsaday isagoona leh 5-caruur ah.

“Aad ayay igu dhaw dahay aniga, aad iyo aad ayay I jeceshahy, anigane sidoo kale ayaan dareemayaa. Gabadheeda Marina way u mahadcelisay iyada aadna way isku jecelyihiin” ayuu yiri Berlusconi oo dhoola cadeynayay.

Iminka ayuu markii 4-aad isku diyaarinayaa inuu qabto xilka wasiirka koowaad ee Talyaaniga marka ay dhacaan doorashada loo madlan yahay iney qabsoonto February-da ina soo wajahan.

DAAWO SAWIRADDA

[slidepress gallery='berlusconi-oo-mehersaday-gabar-u-ka-wayn-yahay-50-sano']

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : First Look, Madadaalo | Entertainment.
« »

Comment: