Calendar

Dacwadda Wariye Koronto oo Markale dib Loo dhigay

Xilli Maanta Loo Madlanaa in lamaxkamadeeyo Wariye Cabdi Casiis Koronto ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir oo qaadeysay Dacwadda Wariyaha waxa ay u dhigtay dib.

Wariyahaan ayaa Loo heestaa in uu Sumcad dil u geystay Mid Ka mid ah Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib uu warbixin uu diyaariyay ku xusay Kufsi ay Askar dowladda Ka tirsan U geysteen Haweeney uu soo xigtay Xilligaasi haatanna ka mid ah dadka  kula Jira eeda ee dacwadoodu ay Socoto.

Qareenada u doodaya  iyo Gabadha  intaba ayaa Maxkamadda waxa ay ka hor cadeeyeen in Gabadha Kufsiga Loogeestay iyadoo gabadha qudheeda oo Maxkamadda Xaadir ahayd ay qirtay in Kufsigaasi Loo geestay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ka dalbaday Qareenada Maxkamadda in ay soo Xaqiijiyaan dambiga ay ku soo oogeen eedeysanayaasha iyadoo ku dhawaaqday in Maalinta Talaadada dib la isugu soo noqonayo.

Wariyaha ayaa waxaa Xabsiga Ku wehliya Gabadha La kufsaday Seygeeda iyo Labo kale oo loo haysto in ay wax Ka abaabuleen wax ay Saraakiisha dowladdu ku sheegeen Been Abuur aan Loom eel dayin

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: