Calendar

Dagaal ka dhacay Jubada hoose.

Sida ay xaqiijinayaan wararka ka imaanaya dhanka Gobalka Jubada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in xaley qeybo ka mid ah Jubada Hoose uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada Dowlada Soomaaliya,kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid aad u kulul ayaa waxaa uu ka danbeeyay kadib markii dagaalyahano ka tirsan maleeshiyada Shabaab ay weerar xoogan kusoo qaadeen gudaha Degmada Afmadow ee Gobalka Jubada Hoose halkaasi oo ay joogeen ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya.
Dad deegaanka ah ayaa waxaa ay sheegayaan in xaley magaalada dagaalka ka dhacay uu ahaa mid kulul islamarkaana geystay qasaaro xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac,hase ahaatee waxaa aad u adag in la ogaado qasaaraha labada dhinac soo kala gaarey iyo dadka rayidka ah.
Ku dhowaan 5-ruux ayaa ku geeriyoodey tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen oo sida la sheegayo ay ku jiraan dad rayid ah oo rasaasta Guriyaha uga tagtey,waxaana saaka lasoo sheegayaa in dadka rayidka ah ee dhaawacyada Soo gaarey dhaawacyadooda loo qaadey dhanka Kismaayo.
Xaalada goobta dagaalka uu ka dhacay ee Degmada Afmadow ayaa degan waxaana howlgalo ka wada qeybaha xaafada ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa Kenya oo magaalada maamula.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: