Calendar

Dagaal qaraar oo saaka ka dhacay Wadada Warshadaha Magaalada Muqdisho.

dagaal

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Bartamaha(Muqdisho):-Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga Mucaaradka ayaa saaka waxa uu ka dhacay Wadada Warshadaha Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowlada oo dhawaan fariisin ku samaystay Ex-Dhismihii Warshada Kabka Muqdisho ayaa waxaa saaka aroor hore hurdada looga toosiyay weerar gaadma ah oo ay soo qaadeen Islaamiyiinta Mucaaradka.

Weerarka ayaa waxa uu ahaa mid xoogan kaasi oo sababay in uu bilowdo dagaal xoogan oo muddo saacad ah qaatay kaasi oo Ciidamada Amisom ay ka qeybgaleen kuwaasi oo madaafiic ku garaacay gobo ay daganyihiin Mucaaradka.

Dagaalka saaka dhacay ayaa waxa uu ahaa mid xoogan kaasi oo labada dhinac ay isku dhaafsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoo Ciidama Amisom ay ay madaafiic ku garaaceen goobah qaar.

Xaalada ayaa haatan ah mid xasiloon iyadoo Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada ay weli ku suganyihiin fariisinadooda halka islaamiyiinta dagaalka soo qaadayna ay isaga bexeen goobihii ay saaka weerarka ku yimaadeen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: