Calendar

Dagaal xalay ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose

Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in xalay weerar lagu qaaday Fariisimo Ciidanka dowladda iyo AMISOM ay ku leeyihiin duleedka degmada  Marka ee Gobolka Sh/hoose.

Qaar kamid ah dadweynaha magaaladaas oo la hadlay Bartamaha ayaa sheegay inuu dagaalku ahaa mid hub culus la isu adeegsaday.

Dhinaca kale Qarax Khasaaro geystay ayaa Saldhig Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Magaalada Marka xalay lagula eegtay.

Qaraxa kadib ayaa Rasaas ay fureen Ciidanka dowladda waxaa ku geeriyooda 2 qof oo rayid ah oo midi Haweeney tahay.

Waxaana wararku ay sheegayaan in falalka amni darrada ah ay ku soo kordheen magaalada Marka oo kamid ah goobihii laga saaray kooxda Alshabaab ee ay ka talinayeen sannad ka hor.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: