Calendar

Dagaalo ka dhacay gobolka Baay

Dagaalo u dhexeya ciidamada dowlada iyo kooxda Al Shabaab ayaa ka dhacay inta u dhexeysay magalada Baydhabo iyo degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Inta la ogyahay waxa ku geeriyooday dad gaarayo 10-ruux halka tiro taas dhaafsane ay ku dhaawacmeen dagalada oo la sheegayo iney ahayeen kuwo xoogan.

Dowlada ayaa sheegatey in dileen tiro badan oo ka tirsanaa kooxda Al Shabaab kuwaas oo kor u dhaafaya 16 sida uu saxafada u sheegay guddoomiyaha gobolka Bay, Cabdifataax Maxamed Geeseey sidoo kalane sheegay iney gacanta kudhigeen tiro kale.

Kooxda Al Shabaab ayaa iyana dhinaceeda sheegatey iney qasaaro badan ay u geysatey ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya oo la socday kuwaas oo jooga magalada Qansax Dheere, wallow wax cayiman aysen xusin.

Sheegashada labada dhinac ayaa midna la xaqiijin Karin, waxana ay dadka deegaanada uu dagaalka ka dhacay ay sheegayaan inuu jirey qasaaro labada dhinac gaaray.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: