Danjiraha Somalia ee dalka Kenya oo booqday xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.

Posted on Feb 16 2010 - 5:21pm by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It


qaxooti5Bartamaha (Nairobi)
:- Safiirka DKMG ah ee Soomaaliya u fadhiya dalka kenya Maxamed Cali Americo ayaa booqasho ku jooga xerooyinka Qaxootiga Somalida eay ku noolyihiin ee Gobalka Waqooyi bari dalka kenya .

Maxamed Cali ameerico ayaa inta uu ku guda jiray booqashadiisa waxaa uu warbixino ka dhagaystay horjoogayaasha Qaxootiga Somalida iyagoo ooga warbixiyay safiirka xaalada dadkaa ay ku sugan yihiin, waxaana socdaalkiisa ku wehliyay xubna ka socda Hay,adda samafalka ee QM .

Safiirka ayaa u sheegay Saxaafada in socdaalkisu uu la xariiray sidii uu ugu kuur gali lahaa xaalada dadkaa Soomaalida ee ku dhaqan halkaa sida ay tahay maadamaa Mudo 20 Sano ku dhaw ay halkaa ku noolaayeen, waxa uuna sheegay in ay u baahan yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan loo caawiyo.

“Ujeedada booqashadaydu xeryaha Qaxootiga ee Kenya ku yaalla waxaa ka mid ahaa inaan ogaado habka loo diiwangeliyo dadka qaxootiga ah, nolosha dadkaas, habka raashinka loo siiyo iyo dugsiyo waxbarasho oo halkaas ku yaalla, sidoo kale waxaan doonayay inaan soo dhageysto dadkaas qaxootiga ah maadama aan mas’uul ka ahay Safaaradda Somalia ee Kenya”ayuu yiri Maxamed Cali America Danjiraha Somaliya u fadhiya dalka Kenya.
qaxooti7
Waa Masuulkii ugu horeeyay ee ka socda DKMG ah oo gaara halkaa tan iyo xiligii la aas aasay Xukuumada haatan jirta ee DKMG ah waxa uuna socdaalkiisu ku soo aadayaa xili bilihii aan ka soo gudbnay Dowlada kenya raaf xoogan ku qaaday Soomaalida ku dhaqan dalkeeda.

Safaarada Somalida ee dalka Kenya ayaa halgan ugu jirta sidii wax loola qaban lahaa Qaxootiga Somalida ee ku nool Dhadhaab dalka Kenya iyadoo ay horay safaaradda u booqatay xerooyinka Qaxootiga ee Dhabaab xilligaas oo ay raashin u qeebiyeen qaar ka mid ah Qaxootiga ku dhaqan halkaasi.

xerada qoxootiga ee dhadhaab oo iyadu xadka Somalia kala dhexeeya Kenya u jirta ilaa 80Km ayaa waxa ay hoy u tahay dad sida ay sheegtay qaramada midoobay gaaraya 280,000 oo ruux taas oo laba u dhig ka badan tiradii markii hore loogu tala galay in la dejiyo xeradaas oo ahayd ilaa 90,000 oo ruux.

Horraantii sanadkan ayaa sida ay sheegtay hay,adda qoxootigu waxa ay diiwaan gelisay 380,000 ruux oo qoxooti cusub ah kuwaas oo u badan sida uu sheegay afhayeenka UNHCR William Spindler kuwa ka cararay dagaaladii ugu dambeeyey.

Inta badan dadkii ku noolaa magaalada Muqdisho ayaa iyagu dibadda uga baxay guryahoodii, kuwaas oo qaarkood degaano samaystay daafaha magalaada Muqdsiho, halka kuwa kalena ay u carareen dalalka deriska.

Ibraahim Da’ud Abdalle

Xafiiska Bartamaha ee Nairobi, Kenya