Calendar

Deegaanka Xagar oo Saaka dagan iyo Xiisad laga dareemayo Janaay Cabdalla.

islaBartamaha(Xagar):-Xaalada guud Ee Deegaanxa Xagar oo shalay ay ku dagaalameen Alshabaab iyo Xzibul Islaam ayaa saaka dagan iyadoo dhaqdhaqaaqyo Ciidan laga dareemayo tuulooyin kale oo ka mida Gobolka Jubada Hoose.

Warar saaka aynu ka helnay aagii shalay dagaalka xoogan uu ka dhacay Ee Deegaanka Xagar Ee Gobolka Jubada Hoose ayaa waxa uu sheegayaa in Xaalada ay tahay mid xasiloon labada Ciidana ay is hor’fadhiyaan.

Dagaalka shalay aroortii ka bilowday deegaanka Xagar Ee Gobolka Jubada Hoose ayaa waxa uu soo gaaray illaa maqribnimadii Xalay xiligaasi oo xooga dagaalka uu iskii u joogsaday.

Warar soo gaaraya Xafiiska War qabadka www.Bartamaha.Com ayaa waxa uu sheegayaa in Xiisad colaadeed ay saaka ka taagantahay Deegaanka Janaay Cabdalla oo galbeed uga began Magaalada Kismaayo.

Xiisada ayaa la sheegayaa in ay timid ka dib markii Ciidamada Kooxda Xizbul Islaam ay isku balariyeen Deegaankaasi si ay u jaraan Xiriirka Alshabaab ee Wadada ka soo baxda Magaalada Kismaayo.

Jawiga Gobolka Jubada Hoose ayaa u muuqda mid lugaha la sii galaya Dagaalo u dhexeeya Kooxda Islaamaamiyiinta Ee Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo seefta gasha kala baxay markii lugu guul dareystay in la isku fahmo gacan ku haynta Magaalada Kismaayo iyo Gobolka Kheyraadka badan Ee Jubada Hoose.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: