Calendar

Deg Deg: Madaxweyne Cabdiweli oo siweyn loogusoo dhoweeyay magaalada Qardho

Qardho_ Madaxweynaha dowlada Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa daqiiqado ka hor gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobalka Kar-kaar, iyadoona ad losoo dhoweeyay.

Madaxweyanah ayaa waxaa safarkiisa ku weheliyay Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose Axmed Karaash iyo Wasiirka amniga Xasan Aloore.

Horay ayaa waxaa magalada ugu sugnaa xubno katirsan gollaha wasiirada oo ay kamid yihiin wasiirka Caafimadka Saadiq Enow iyo Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Xasan Cade.

Madaxweynaha ayaa waxaa kaga hortegay duleedka koonfureed ee magaalada boqolaal dadweyne ah, maamulka gobalka, kan degmada, iyo wasiiradii horay ujoogay magaalada.

Ardayda dugsiyada, Haweenka degmada, waxgardka iyo dhallinyarada ayaa dowr fiican ka qaatay soo dhowaynta madaxweynaha.

Dadka soo dhoweeyay madaxweyne Gaas ayaa sitay caalanka Puntland, iyo sawirka madaxweyanah waxaana ay ku dhowaqayeen hal kudhigyo soo dhowayn u ah madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa saaka kasoo amba baxay Garoowe, waxaana uu soo maray deegano kamid ah Nugaal, waxaana lafilayaa inuu warbaahinta la hadlo goordhow.

Gaas ayaa kusugnaan doona Qardho, waxaana uu lakulmi doonaa waxgaradka iyo qaybaha kale ee Bulshada.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: