Calendar

DEG DEG: Qarax Khasaare Geystay oo lala Beegsaday Amisom

amisomQarax loo maleynayo in miino lo adeegsaday ayaa goor dhow ka dhacay fariisin ciidamada Amisom ku leeyihiin xarunta jaamacdii hore ee Ummada ee magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in qaraxa lala damacsanaa fariisinka Amisom ee xarunta jaamacadii hore oo ku taalla wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho, iyadoo rasaas ay fuireen ciidamada Amisom iyo kuwa DKMG oo goobta ka dhowaa qaraxa ka dib.

Illa hadda 1 ruux ayaa la xaqiijiyey inuu geeriyooday kaasoo aan cadeyn inuu askari ahaa iyo inuu rayid ahaa. Waxaana ku dhaawacmay afar kale oo mid tahay haweeney wadada mareysay.

Xarunta jaamacadii hore ee Ummada waxay fariisin u tahay ciidanka Burundi oo ka tirsan hawlgalka Amisom, mana cadda in khasaare uu gaaray ciidankaasi maadaama aan weli wax war ah laga heyn.

Sidoo kale waxaa goobtaasi ku dhow bar kontorool oo ay ciidamada DKMG gaadiidka ku baaraan.

Qaraxyada miinooyinka ee lala beegsanayo xarumaha dawlada iyo fariisimaha Amisom ayaa sii kordhaya tan iyo wixii ka dambeeyey ka bixitaankii Al-Shabaab ee magaalada, iyadoo dadweynaha ay si aad ah u hadalhayaan taagdarida hay’adaha amaanka ee DKMG oo ku guuleysan waayey inay adkeeyaan amaanka caasimada oo hadda dawlada inteeda badan gacanta ku wada heyso.

RBC

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: