Calendar

DEG DEG: Saado Cali Warsame oo Muqdisho lugu dilay

sado cali

Muqdisho (Bartamaha) Dabley hubaysan ayaa goor dhaweyd weerar ku qaaday gaari ay la socotay fanaanada Soomaaliyed Saado Cali Warsame,waxaana la sheegay weerarka inay ku dhimatay Saado Cali iyo darawalkii u waday gaarigii ay la socotay.

Saado Cali Warsame oo xilligan ka mid ahaayd xildhibaannada baarlamaanka dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya oo ay ku birtay sannadii 2012 ayaa muddooyinkii danbe ku sugneyd gudaha Muqdisho.

Dableyd weerarka ku qaaday gaariga ay la socotay Saado,waxaa la sheegay inay ku horgooyen gaarigeeda gaari ay waten,kaddibna ay rasaas ooda ugu qaaden taaso dhalisay inay ku dhimato fanaanada taarikhda dheer ku leh fanka Soomaaliya.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarka lugu dilay Saado Cali Warsame oo ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Dilka Saado waxaa uu ka dhigaya haweeneydii ugu horreeysay ee ka tirsaney baarlamaanka oo lugu dilo Muqdisho,kooxda Al-shabaab ayaa horay u sheegan jirtay dilalka loo geysto xildhibaannada Soomaaliya.

Waxii ku soo kordha warka kala soco Bartamaha Online

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: