read more »">
Calendar

Degmada Xudur oo laga Go’doomiyay in lageeyo wax Raashin ah

Xududr_ Al-shabaab ayaa bilowday inay ga’doomiyaan degmada xudur ee xarunta gobalka Bakool, kadib markii lagala wareegay todobaad ka hor deegaankasi.

Wararka ayaaa sheegaya in Al-shabaab ay ka hor istaageen gaadiidka sida Raashinka inay gudaha ugalaan degmada, taasi oo kaliftay inuu sara ukac ku yimaado qiimaha lakala siisto maciishada.

Maxamed Axmed Tool oo ah guddomiyaha degmada Xudur ayaa u sheegay warbaahinta inay la socdaan go’doominta Al-shabaab ay ku samaysay degmada, waxaase uu uga digay ganacsatada inay degmada la dhaafin Raashinka.

Tool ayaa sheegay inay la wareegayaan gadiidka raashinka qaada, hadii ay lagu helo iyagoo la dhaafaya degmada raashinka ay wadaan, waxaana uu xusay in Rashinka ay wadaan uqaybin doonaan dadka deegaanka.

Al-shabaab ayaa ku sugan hareeraha degmada Xudur, waxana la sheegay inay uga gonleeyihiin ga’doominta ay sareen Xudur inay wax sahay ah helin ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaliya ee la wareegay degmada.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: