read more »">
Calendar

Dekedaha Soomaaliya oo lagu wado in hal maamul loo sameeyo

BARTAMAHA – Dowladda federaalka Soomaaliya oo shaacisay inay ku howlan tahay sidii dakadaha Soomaaliya kuyaal dhamaan u maamuli laheed hal Hay’ad.

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya, Yuusuf Macallin Amiin (Baadiyow) ayaa sheegay in wasaaraddu ku howlan tahay sidii ay ula soo wareegi lahayd maraakiib Soomaalia leedahayoo ku sugan dalka Yemen.

Wasiirka  ayaa Waxaa uu sheegay in wasaaraddu ay sii ambaqaadeyso dadaallo ay horay u sameeyeen dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya, kuwaas oo ay ku doonayeen in ay gacantooda soo galaan maraakiibtaas.

 Wasiirka ayaa tilmaamay in maraakiibta qaarkood ay howlgabeen, wuxuuse xusay in ay jiraan kuwo shaqeeya, oo ay doonayaan in ay kala xaajoodaan ganacsato gacanta ku heysa xilligan.

Dhinaca kale, wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee xukuumadda Soomaaliya, Yuusuf Baadiyoow ayaa sheegay in  la midaen doono maamullada dekedaha Soomaaliya, iyadoo loo marayo sharciga.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: