Dhalinyarada YEDO oo soo bandhigay Waxqabadkooda

Posted on Nov 3 2010 - 6:34pm by News Desk
Tweet
Pin It

Bartamaha (Nairobi)- Waxaa magaalada Nairobi ee caasimadda Kiinya lagu qabtay xaflad aad loo soo gaasimay taasi oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka dhalinyarada horumarinta waxbarashada ee YEDO.

Xafladdan oo lagu qabtay hoolka shiraraka ee hotelka karmel oo ku yaalla dhabaha 11aad ee xaafadda islii, ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo ay casuumaad u fidiyeen dhalinta YEDO si ay uga warbixiyaan hawlaha ururkaasi uu qabto.

Ururka  dhalinyarada YEDO ayaa madashii kulankaasi ka dhacay kusoo bandhigay warbixino ay dhalintu ku muujiyeen waxqabadkooda.

Ururka YEDO ayaa waxaa la aasaasay sandakiidabayaaqadii sanadkii tagay ee 2009, iyadoo guddoonka iyo xubnaha golaha fulintana la sameeyay bishii Feberaayo ee sanadkan 2010.

Dhalinyarada ururka YEDO ee kullankaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhalinyaradu ay ku tilaabsadeen waxqabadyo aanan la soo koobi karin, sida agaasinka siminaaro ka qeyb galitaanka aqoon isweydaarsiyo, furitaanka xarun wax lagu barto iyo sidoo kale diyaarinta dood cilmiyeed looga gol lahaa in la isugu keeno isla markaana la isku fahamsiiyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ururka YEDO ayaa waxqabadkooda ku soo bandhigay Powerpoint Presentation, si ay dadweynihii kulankaasi kasoo qeyb galay ay u fahamsiiyaan islamarkaana xog dhameystiran ka siiyaan waxqabadkooda dadaweynihii kulankaasi kasoo qeyb galay oo isgu jiray dhalinyaro, ganacsato, haween, aqoonyaho, culumaaudiin iyo dhamaan qeybaha kale ee bulshada.

Waxay sidoo kale guddoonka dhalinyarada YEDO ay meeshaasi ku shaaciyeen in markii safar aanan horey loo shaacin uu ku tagay guddoomihii hore ee ururka in golaha dhexe ay si toos ah booskaasi ugu wareejiyeen Guddoomiye ku xigeenkii ururka   Axmed Maxamud Maxamed (Xiish Tunni) oo horayna u ahaa sii hayaha xilka guddoomiyaha Ururka.

Dhinaca kale guddoomiyaha cusub ee ururka YEDO waxa uu xilka guddoomiye ku xigeenka u magacaabay Cabdulaahi Maxamed Diiris, iyadoo sidoo kalana ay markaasi gudo galeen ka warbixinta waxyaabaha uu ururku qabtay.

Guddoomiye Axmed Xiish oo ku hadlay magaca ururka ayaa ka warbixiyay in ururku uu albaabada u furay iskool lacag la’aana oo ay dhalinyarada Soomaaliyeed wax ku barato si loo helo goobo lagu kororsado cilmiga iyo aqoonta taasi oo ah waxyaabaha ugu horeeya ee uu higsanyo ururka YEDO, iyadoo iskoolkaasina ay soo xaadireen ardey badan oo gaadheysa ilaa iyo in kabadan 50 ardey oo isgu jira Wiila iyo gabdho.

Guddoomiye Axmed Xiish waxa uu tilmaamay iney higasnayaan sidey horeyba u sameeyeen iney isu keenaan dhamaan qeybaha kala duwa ee dhlinyarada Soomaaliyeeda si isula wadaagaan amaba isu dhaafsadaan fikradaha.

Sidoo kale ururka YEDO si ay u xoojiso isboortiga iyo ciyaaraha waxay sameysay urur ciyaara kubadda cagta oo ku dheella magaca ururka YEDO si loo xoojiyo is dhex galka da’yarta Soomaaliyeed oo ay dagaaladu kala irdheeyeen.

Goddoomiye xiish oo madashii kullanku ka dhacay ka hadlayayna waxaa hadaladiisii kamid ahaa
” Waxaan dhalinyrada u sheegaynaa inay isku duubnaadaan siday hadaba isugu duubanyihiin, waxaana ay YEDO jeceshahay mustaqbalka dhaw inay xafiisyo ka samaysato dallka Soomaliya oo aan jecelnahay inaynu ballaarino ururka, ganacsatadana waxaan leeyahay dhalinyaradu xaq bay idinku leeyihiin waa inaad la shaqaysaan garabkoodana istaagtaan”

Dhinaca madadaalada waxaa goobtii kulanku ka dhacay lagu soo bandhigay riwaayad ka turjumaysay qiimaha waxbarshada islamarkaana taabanaysay dhinacyo badan isla markaana lagu wacyigalinyay sare u qaadida aqoonta.

Dhinaca Ganacsatada waxaa u hadlay Dr Aden Ugaas oo halkaasi ka cadeeyay iney goor walba  dhalinyarada garab taagaan yihiin isla markaana dhalinyarada looga baahan yahay iney ilaaliyaan midniomidoodaayna la yimaadaan waxqabad muuqda.

Gaba gabadii kulanka ayaa waxaa sidoo kale halkaasi ka hadasahay Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magaacbo Xasno oo u duceysay dhalintii halkaasi isugu timid ilaahayna uga rajeysay iney isku duubnidoodu sii jirto, waxayna hooyooyinka ku boorisay in si dhameystiran loo taageero da’ayrta muujisay isku duubnidaasi, si ay wax u qabsadaan horumar iyo baraarana ay u gaaraan.

Halkaan ka daawo Sawirada

Xigasho: Horumar Media Inc

Nairobi Kenya