read more »">
Calendar

Dhalinyaro ka tirsaneed Burcad badeeda oo iskaga tanaasushey [SAWIRO]

ilaa iyo 100-Dhalinyaro gaareysay oo ku jirey falal burcad badeedyo oo kuOK eeganayeen ama doonayeen iney ku eegtaan gadiidka badda Soomaaliya isticmaalaya ayaa ku dhawaaqay iney ka tanaasuleen falalkii ay ku guda jireen.

Shir ka dhacay magalad Cadaado oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Xibin iyo Xeeb ee deeganadaas ka arimiya, ayna kasoo qeyb galeen qeybaha bulshada oo ku jiraan odayaasha, ganacsatada, iyo dhalinyarada ayaa waxa ay sheegeen dhalinyaradan ineysan cidna aysen qabsin iney ka baxaan balse ay iskood u go’aansadeen iney falalkaasi iskaga baxaan.

Maxamed Cabdi Xasan oo ku magac dheer (Afwayne) oo isagu sheegay inuu goor hore ka baxay burcadbadeeda ayaa madasha ka sheegay inay muddo ka shaqanayeen soo hanuuninta dhalinyaradan iyagoo kaashanaya maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb iyo dawlada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxwaynaha maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Aadan Tiiceey ayaa waxa uu ku dheeraaday ka hadalka arrintan, isagoo fariin u diray beesha caalamka, kaasi oo ku aadan inay joojiyaan xadgudubyada ay maraakiibtoodu ka wadaan biyaha Soomaaliya.

Falalka Burcad badeeda ee ka dhacayay xeebaha Soomaaliya ayaa aad isku dhimay sanadkii hore iyadoona la wiiqey awooda ay lahyeen burcad badeeda.

DAAWO SAWIRADDA

[slidepress gallery='dhalinyaro-ka-tirsaneed-burcad-badeeda-oo-iskaga-tanaasuley']

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: