Published On: Thu, Jan 10th, 2013

Dhalinyaro ka tirsaneed Burcad badeeda oo iskaga tanaasushey [SAWIRO]

Share This
Tags

ilaa iyo 100-Dhalinyaro gaareysay oo ku jirey falal burcad badeedyo oo kuOK eeganayeen ama doonayeen iney ku eegtaan gadiidka badda Soomaaliya isticmaalaya ayaa ku dhawaaqay iney ka tanaasuleen falalkii ay ku guda jireen.

Shir ka dhacay magalad Cadaado oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Xibin iyo Xeeb ee deeganadaas ka arimiya, ayna kasoo qeyb galeen qeybaha bulshada oo ku jiraan odayaasha, ganacsatada, iyo dhalinyarada ayaa waxa ay sheegeen dhalinyaradan ineysan cidna aysen qabsin iney ka baxaan balse ay iskood u go’aansadeen iney falalkaasi iskaga baxaan.

Maxamed Cabdi Xasan oo ku magac dheer (Afwayne) oo isagu sheegay inuu goor hore ka baxay burcadbadeeda ayaa madasha ka sheegay inay muddo ka shaqanayeen soo hanuuninta dhalinyaradan iyagoo kaashanaya maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb iyo dawlada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxwaynaha maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Aadan Tiiceey ayaa waxa uu ku dheeraaday ka hadalka arrintan, isagoo fariin u diray beesha caalamka, kaasi oo ku aadan inay joojiyaan xadgudubyada ay maraakiibtoodu ka wadaan biyaha Soomaaliya.

Falalka Burcad badeeda ee ka dhacayay xeebaha Soomaaliya ayaa aad isku dhimay sanadkii hore iyadoona la wiiqey awooda ay lahyeen burcad badeeda.

DAAWO SAWIRADDA

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

About the Author

- Mohamed Mascuud is the Editor in Chief of Bartamaha.com and a Contributor to Soomaalo.com. Mascuud is a Young and talented Somali Journalist.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree

 



Bartamaha is a SMO Company [ Somali Multimedia Organisation ]  



Our Partners
Raxanreeb
Soomaalo

Somali Websites
Hiiraan
AllPuntland
Jowhar

Somali Radios
VOA Somali
BBC Somali

International
Al Jazeera English
Al Jazeera Eng. LIVE

CNN
New York Times
Time Mag
Newsweek
Huffington Post
Daily Mail


var tb_pathToImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/loadingAnimation.gif";var tb_closeImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/tb-close.png";