read more »">
Calendar

Dhismaha Wadada Laamiga ah Ee Kismaayo oo Markale Dib loo Bilaabay.

Wadada dheer ee Laamiga ah ee dhex marta bartamaha Magaalada Kismaayo ayaa Markale dhismaheedii dib looga bilaabay gudaha Magaalada Kismaayo, kadib markii hakad ku yimid dhismaha wadadaan bishii Maarso ee la soo dhaafay taas oo loo aaneynayay kala Go’ Dhaqaale.

wadadaan oo halbowle u ah isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga Magaalada Kismaayo islamarkaana aan helin wax dayactir ah mudadii 18ka sano ahayd ee wadanka Soomaaliya ay qalalaasaha iyo dagaalada sokeeye ka socdeen.
 
Dhismaha wdadaan ayaa soo bilowday bishii febraayo ee sanadkan aan ku jirno waxaana ku baxay dhaqaale gaaraya ilaa $250,000 (laba boqol iyo konton kun oo doollar) oo ay iska kaashadeen Ganacsatada ree Kismaayo iyo Maamulka Islaamiga ah ee gacanta ku haya Magaalada Kismaayo.
 
intii aan la bilaabin dhismaha wadadaan waxaa ay ahayd mid uu ka muuqan jiray bur bur xooggan ayna ka sameysmi jireen Bohollo waaweyn xilliyada Roobabku ay da’aan.waxaana dhibaato kala kulmi jiray Gaadiidleyda ayagu ka dhex shaqeeya gudaha Magaalada Kismaayo.
Hada wax ay u muuqataa in laga soo kabanayo Dhibaatadii Waddo ee ka jirtay Magaalada Kismaayo.

Bartamaha

Kismaayo, Soomaaliya

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: