read more »">
Calendar

VIDEO: Dhuxusha Kismaayo Kenya shaqo kuma laha, Soomaaliya waa dal Xor ah Dowladeedaana u talinaysa

Bartamaha Nairobi — Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Richard Onyonka oo ka qeybgalay xaflad ay soo qabanqaabisay IST/AU ayaa saxaafadda la hadlay isagoo ka waramay ciidamada Kenya (KDF) iyo AMISOM.

Wasiir ku Xigeenka oo la weydiiyey Dhuxusha dekedda Kismaayo ku xayiran iyo Dowladda Kenya halkay ka taagan tahay ayuu wuxuu ku jawaabay “Kenya shaqo kuma laha, Soomaaliya waa dal xor ah, Dowladeedaana aayaha Soomaaliya ka talinaysa, Kenyana wey ku taageeraysaa go’aanka ay Dowladda Soomaaliya ka qaadato”.

Richard Onyonka oo khudbad goobtaas ka jeediyey ayaa sheegay in 2,700 oo askari oo ka tirsan cidamada Uganda ee qaybta ka ah howgalka Midoga Afrika lagu dilay Soomaaliya tan iyo markii uu howgalkan billowday sanadkii 2007.

Daawo:

Video: Soomaalo.com

_______

Maxamed Mascuud – Xafiiska Wararka Bartamaha ee Nairobi

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : KENYA, VIDEOS, Wararka Maanta and tagged .
« »

Comment: