Calendar

dib u dayactir lagu sameynayo Garoonka Ugaas Khaliifa ee Gobolka hiiraan [ Sawiro ]

Saraakiisha Ciidadamada Jabuuti ee qaybta ka ah howl Galka AMISOM iyo Kuwa dowladda Soomaaliya ee Gobolka hiiraan ayaa iminka ku howlan howlo lagu dayactirayo Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliifa ee  Magaalada Baladweyne ayaa waxa uu Muhiimad weyn u leeyahay Taliska Ciidamada Jabuuti ee Ku sugan Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan iyo Sidoo kale duulimaadyada kala duwan ee diyaaradaha Xamuulku ay ka sameeyaan garoonkaasi.

Samatar Ducaale Nugul oo ah Xiriiriyaha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ee Gobolkaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in iminka ay u soo jeesteen qalabeynta iyo dib u hagaajinta Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliifa ee Magaaladaasi Baladweyne.

Howlahaani dib Loogu dayactirayo Garoonka Magaalada Balad Weyne ayaa waxa Maalgelinaya Hay’adda ICRC iyadoo kaalin wacanna ay ka qaadanayaan Ciidamada Jabuuti eek u sugan Magaaladaasi.

Afhayeenka Maamulka Gobolka hiiraan ee dowladda Soomaaliya Max’ud Nuur Caga Joof oo ka mid ahaa wafdi booqasho ku tagay gudaha Garoonka oo soo indha indheenayay howlaha dayactir ee ka socda Garoonka ayaa waxa uu mahad Ballaaran u jediyay Hay’adda ICRC iyo Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee isku howlay Horumarka Gobolkaasi Hiiraan.

                       Daawo Sawirada Garoonka 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: