Calendar

Dilalka Loo Geysto Soomaalida Ku Dhaqan Koonfur Afirica Oo Sii Batay

Dilalka Loo geysto Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa la sheegay in ay sii kordhayaan.

Muddooyinkii dambe ayaa dalka Koofur Afrika waxaa ku sii kordhayay dhibaatooyinka loo geysto dadka Soomaalida ah ee halkaasi ku heysta Mehradaha Ganacsi.

Magaalooyinka lagu dhibaateeyo Soomaalida Ku ganacsada waddanka Koofur Afrika ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Porto Elizabeth halkaasi oo inta badan dadka Soomaalida ah ay degenyihiin kuwaasi oo had iyo Goor dhibaato kala kulma Burcada Koofur Afrikaanka ah.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa dalkaasi galay 22 ki sano ee bur burka uu ku jiray dalka kuwaasi oo halkaasi ka abuurtay shaqooyin si weyn u soo jiitay bulshada dalkaasi hase ahaatee ay ka hortimid Mushkilad dhanka Burcadda Madowga ah ee dilal  iyo dhac markasta ay kala kulmaan.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Hot Now, Wararka Maanta.
« »

Comment: