Calendar

Diyaaradaha Dalka Kenya oo duqaymo ka geestay gobalka gado.

Faah faahin dheeri ayaa kasoo baxayo diyaarado dagaal oo maanta duqeeyay deegaano  katirsan Gobalka Gedo.

Diyaaradaha Dalka Kenya ayaa duqaymo waxaa ay kaga qayb qaateen maanta Dagaal kadhacay deegaano hoostaga Degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo.

Ilaa iyo hada Si rasmi ah looma Xaqiijin qasaaraha duqaynta ay gaysatay lakiin dadka deegaanka ayaa sheegaya in dad badan oo ay kamid yihiin Ciidamada Dagaalamayay ee Shabaab,Dowlada oo isku garab ah iyo Al-Shabaab ay waxyeelo kasoo gaartay labada dhinacba.

Dhinaca kale dagaalka maanta kadhacay deegaano hoostaga deegaanka Ceelcade iyo deeganka Daaleey oo kamid ah degmada Garbahaareey halkaasoo maanta dagaal xoogan uu kudhexmaray Al-shabaab iyo dowlada oo garab kahalaysa ciidamada dalka Kenya.

Dagaalkaas waxaa guula kasheegtay Saraakisha dowlada KMG Soomaaliya ee gobalka Gedo oo sheegay in duqaynta iyo dagaalkan maanta ay kudhinteen Saraakiil katirsan Al-shabaab.

Dagaalka maanta ayaa waxaa uu imaanaya xili bayaan kasoo baxay Ururka Al-shabaab lagu sheegay inay weeraeo horleh ay ku ekeyndoonaan Dalka Kenya hadii aysan Ciidamadooda kala bixin Soomaaliya.

Comments

comments

Category : Featured, Latest Somali News.
« »

Comment: