read more »">
Calendar

Dowlada oo sheegtey in dhawaan qabanayso Jowhar

Wasiirka Gaashaandhiga wadanka Soomaaliya oo ka hadlayay idaacada dowlada ay leehdahay ayaa sheegay inuu socdo abaabulkii ugu danbeyay ee ay ku donayaan iney ku qabtaan magalada Jowhar.

C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa ka hadlayay howlaha uu doonayo inuu ka qabto wasaradiisa uu la wareegay dhawaan isagoona sheegay inuu doonayo inuu dhameystiro ka qabsashada goobaha wali gacanta ugu jiro kooxda Al Shabaab.

“Mar aan fogeyn Jowhar waxay soo geli doontaa gacanta dowladda, abaabulkeeda waa socdaa, meelo kale ayaa jira oo ka mid ah Jubada Dhexe, sida Bu’aale, qorshe ayaa iyana loo dejin doonaa”ayuu yiri wasiirka Gaashaandhiga

Dhawan ayaa ciidamo ay leehdahay dowlada iyo AMISOM ee taagerada siinaya waxa ay u jeesteen dhinaca degmada Jowhar oo xarun u ah shabeladda dhexe halkaasi oo doonayaan iney ka qabsadaan Al Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa hada ku sugan deegaanka Garsaale oo 20-KM u jirta magalada Jowhar, iyagoona la filayo iney dhawan ku si siqaan.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: