Dowladda FKMG Soomaaliya Oo Shacabka Beled Xaawo ugu baaqay inay iskaga soo laabtaan Degaanadii ee Ka Barakaceyn
Bartamaha:Dowladda FKMG Soomaaliya ayaa ugu baaqday shacabkii ka qaxay Degmada Beld Xaawo inay si dhaqsi ah ugu soo laabtaan xaafadihii ay ka carareen xilligii Dagaalada ka dhacayn Degmada oo haatan faraha u gashaya Ciidmada Dowaldda.
C/rashiid Xuseen C/nuur oo ah gudoomiyaha degmada Dooloow ee dowladda FKMG Soomaaliya ahna gudoomiyaha guddiga abaabulka ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa Shacabkii ka caraay Degmada Beledxaawo ugu baaqay inay niyadda ka bxiyaan in markale Shabaabka la wareegaan Degmooyinka ay haatan Dowladda la wareegtay wuxuuna shacabkii ka haajiray Degmada Beledxawo Ee Gobolka Gedo ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan deeganadooda.
Gudoomiyaha degmada Dooloow ee dowladda FKMG Soomaaliya ayaa mar uu lahdlay Idaacadad Shabelle u sheegay in haatan ay Deeganada Ee Dowladda la wareegeyn ay nabdoon yihiin islamarkaana shacabka fara ku tirsaka ka maqan xaafadooda ay goor dhaw kusoo laaban doonaan waxuuna haadlkisia ku daray Gudoomiyaha in Meleshiyaadka Shabaab aysan kusoo laaban karin Goobaha lagala wareegay.
Waxuu ku nuuxnuuxsaday in Ciidmaada Dowladda ay wax weyn ka balayn qorshayaashii Shabaabka ku weerari jireen isagoo Shacabka Soomaliyeed ugu hambalyeeay goobaha cusub ee Meleeshiyaadka mucaardaka ku ah dowladda ay dhulka ku jiideen islamarkaan ay Ciidamo badan iyo jaanib ugu dileen goobaha ay ka fara maroojisteen Shabaabka.
Si kastaba Dagaaladii ku dhexmaraya Ciidmada Dowaldda iyo Kooxihii Deeganadani ka cararay Ee Shabaabak aya qasaaro ba’ an kasoo gaaraty shacabaka aan waxba galabsan Ee ku sugnaa Deegaandaka Gobolka Gedo oo ay haatan ku sugantaahay Dowladda FKMG Soomaaliya.
www.Bartamaha.com
Comments
comments