Calendar

Dowladda Holland oo xukun ku riday Burcadbadeed Soomaali ah.

GERMANY-SOMALIA-KENYA-PIRACY-SHIPPING-COURT

Bartamaha (Nairobi):-Maxkamad ku taala dalka Holland ayaa xukun xabsi mudo shan sano ah ku riday shan Burcadbadeed Soomaali ah kadib markii lagu eedeeyay in ay weeraar ku qaadeen Markab laga leeyahay dalka Turkey laguna magacaaabo Samanyolu

Shanta Burcadbadeeda Soomaalida ah ayaa lagu qiyaasay in da’doodu u dhaxeeyso 25-45 sano iyagoo ku dooday in aysan wax danbi ah galin balse garsoore Klein Wolterink ayaa cadeeyay in ay danbiyada lagu heesto ay yihiin ku cad inkastoo weerarka ay ku qaadeen marka Samanyolu aysan qofna waxba ku noqon.

Weerarkan lagu heesto Burcadbadeeda Soomaalida ah oo ay ku qaadeen markaba lagu magacaabo Samanyolu ayaa xeebaha Soomaaliya ka dhacay bishii January sanadkii la soo dhaafay.

“Holland ka jecla dadka Muslimiinta ah waan ognahay taasi, waana sharci daro” ayuu yiri nin magaciisa lagu sheegay Sayid Ala Garaar ahna 39 jir ka mid ah shanta nin ee lagu heesto Burcadbadeednimada.

Burcad badeedan lagu xukumay dalka Holland waxaa soo qabtay markab laga leeyahay dalka Denmark.

Burcadbadeed Soomaali ah ayaa lagu haya xabsiyada dalalka Germany, France, Spain, US, Yamen, Tanzania, Kenya iyo dalalka inkatoo intooda badan aanan wax ku xukun ah lagu ridin balse dowladda Yamen ayaa mudo labo jeer ah Burcadbadeed Soomaali ah xukun dil ah ku riday.

Burcadbadeeda Soomaalida ah ayaa wali wada afduubashada maraakiibta shisheeya ee isticmaala xeebaha iyo Badweynta Hindiya.

Ibraahim Da’ud Abdalle

[email protected]

Bartamaha, Nairobi

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Piracy, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: