Tuesday, March 31, 2015

Dowladda oo ku dhawaaqday iney soo afmeertay Hawlgalkii ka socday Hotel Makka Al-Mukarama(Sawirro)

Muqdisho (Bartamaha) Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gudaha u galay Hotelka Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho oo ay ilaa shalay ka dhex dagaalamayeen rag ka tirsanaa Al-shabaab,Rasaastii iyo qaraxyadii ayaa hadda istaagay waxaana gudaha Hotelka galay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya inaan wali si buuxda loo xaqiijin amniga Hotelka, waline ay ciidanku qol qol u galayaan qaybaha Hotelka,Afhayeenka booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lasoo afmeeray hawlgalkii ka socda Hotel Makka Al-Mukarama

Afhayeenka booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in ciidmada dowladda Soomaaliya ay dhammaan toogteen kooxdii weerarka soo qaaday,wuxuuna xusay iney hada wadaan xaqiijinta amniga guud ee Hotelka.

Rag ka tirsanaa Al-shabaab oo Hotelka galay shalay galinkii danbe ayaa ilaa saaka halkaa kula dagaalamayey ciidamada dowladda Soomaaliya,dad badan ayaa Hotelka laga soo badbaadiyey,jawiga goobta ayaa hada ah mid aad u dagan waxaana Hotelka ku sugan saraakiisha sare ee ciidamada dowladda iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

 

 

 

 

Bartamaha Muqdisho

Comments

comments

You may also like

0 comments

Sign In

Register

Reset Your Password

Email Newsletter

cccc