Calendar

Dowladda Soomaaliya oo dhawaan loo soo gacan galin doono sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

xasan xanafiMuqdisho (BARTAMAHA) Dowladda Soomaaliya ayaa sugeysa in dhawaan loo soo gacan galiyo sarkaal ka tirsan kooxda gudaha dalka dagaalka ka wada ee Al-shabaab,kaas oo lugu qabtay magaalada Nairobi.

Warkan waxaa shaaciyey afhayeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli,waxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya lagu wareejin doono sarkaal ka mid ahaa Al-shabaab oo toddobaadkan lagu xiray dalka Kenya.

Ninka ay sugeyso dowladda Soomaaliya in magaalada Muqdisho la keeno si loogu maxkamadeeyo waxaa lagu magacaabo Xasan Xanafi,waxaana lagu eedeeyaa inuu ka dambeeyay fududeynta dilal gudaha Soomaaliya loogu geystay weriyeyaal Soomaali ah.

Ridwaan Xaaji ayaa sheegay in eedeysanaha baaritaan lagu sameyn doono, kaddibna lagu qaadi doono dacwadaha loo haysto,isagoona inta ku daray in eedeysanaha lagu qabtay iskaashi dhexmaray sirdoonka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Booliska Kenya ayaa Axaddii la soo dhaafay ku qabtay Xanafi xaafadda Islii, isagoo dhaawac ah, waxaana lagu hayaa goob aan la shaacin oo lagu baarayo, iyadoo ay ciidamadu baarayaan sida uu ku soo galay Kenya, isla markaana uu u helay dhaqaatiir daweysa.

Shalay ayaa maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxaa ay soo bandhigtay dacwada loo heysto Xasan Xanafi Xaaji oo katirsan horjoogayaasha Al-Shabaab oo ay xilligan gacanta ku hayaan ciidanka booliska Kenya.

C/laahi Maxamed Muuse Keyse oo ah afhayeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in xafiiska xer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada uu ka furanyahay gal dacwadeedka loo heysto Xasan Xanafi Xaaji kaasoo ay maxkamadda u gudbiyeen ehelada dad uu ka dambeeyay dilkooda kuwaasoo ka shaqeynayay howlaha warbaahinta.

Kenya haddii ay dowladda Soomaaliya ku soo wareejiso Xasan Xanafi waxaa ay ka dhigeysa sarkaalkii ugu horreeyey ee ka tirsan Al-shabaab oo ay soo wareejiyaan.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: