Wednesday, April 1, 2015

Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay weerarkii lagu qaaday hotelka Maka Al-mukarama

FB_IMG_1427565001639

Muqdisho (Bartamaha)Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tafaasiil ka bixisay weerarkii Abaabulnaa ee Al-Shabaab ka gaysteen Hoteelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliy.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Warbaahinta kula hadlay gudaha Hoteelka Maka Al-mukarama ayaa sheegay in kooxdii weerarka kusoo qaaday Hoteelka ay ka koobnaayeen Afar ruux, wuxuuna xusay in goobta lagu dilay dhamaantood.

Wasiirka warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ay bad-baadiyeen dad ka badan 70-ruux oo ka mid ahaa dadkii uu dagaalku ku qabsaday gudaha Hoteelka.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka warfaafinta ayaa tilmaamay in 14-ruux ay ku dhinteen,dadka dintay ayaa isugu jira masuuliyiin ka tirsan dowladda, ilaalada hoteelka iyo shacabka uu dagaalku ku qabsaday afka hore ee hoteelka.

Wasiirka ayaa sheegay in dadkii dhaawacyada halista ah ay kasoo gaareen weerarka loo qaadi doono dalka dibadiisa.

koox ku hubaysan hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa shalay galab gudaha u galay hoteelka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho waxaana weerarkaa sheegtay Alshabaab oo sida uu hadalka u dhigay ku dilay masuuliyiin fara badan oo ka rirsan dowladda Soomaaliya.

 

Muqdisho Bartamaha

Comments

comments

You may also like

0 comments

Sign In

Register

Reset Your Password

Email Newsletter

cccc