Calendar

Dowladda Soomaaliya oo la waregtay saldhiggii ugu wayna Al-Shabaab ee magaalada Barawe

barawe Somalia

Barawe (Bartamaha) Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Barawe oo ah meshii ugu dambeysay ee ay ugu xoogga badnaayeen Al-shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in ciidanka ay la wareegen Barawe,, kaddib markii halkaas uu dagaal ku dhex maray iyaga iyo Al-shabaab

Al-shabaab ayaa dagaal la gashay ciidanka balse guddoomiyaha Shabeellaha hoose waxuu sheegay in lagaga itaal roonaaday, isla markaana ay haatan ku sugan yihiin magaalada Baraawe ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Siidii ayaa intaas ku daray in ciidamada la wareegay degmada ay ka dhaawacmeen labo askari, isla markaana ay xaqiijiyeen meydadka 13 ka tirsanayd kooxda Al-Shabaab.

“Ciidamadu waxaa ay saldhig-yo ka samaysteen ciidanka baro cayiman oo ku yaalla magaalada, si ay u xaqiijiyaan ammaanka,”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Cabdiqaadir Siidii.

Ugu dambayn,waxuu sheegay, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii in ay kulamo la qaadan doonaan bulshada ku nool magaalada Baraawe, ayna kala hadli doonaan sidii loo adkeyn lahaa ammaanka magaalada.

Shalay galab dagaal ayaa ka dhacay meel ku dhow Baraawe, sida wararku sheegayaan laakiin ciidamada ayaa saaka gudaha u galay.

Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Jimcaha waxay billowday inay isaga baxdo magaalada xeebta leh ee Baraawe oo noqoneysa magaaladii ugu dambeysay ee ay kooxda ku xoogganeyd.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: