Calendar

Ethiopia oo sheegay in ay hishiiyeen Dowladda iyo Maamulka Axmed Madoobe

war uu Barta Twitterka soo dhigay Wasiirka arimaha dibada dalka Ethiopia Dr Tadros Adhoman,wuxuu ku xaqiijiyay in heshiis rasmi ah ay gaareen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland,kuwaasi oo ku heshiiyay Magaalada Adis-ababa shalay.

Wuxuu sheegay wasiirka arimaha Dibada Ethiopia in wada hadalkaan xalka laga gaaray hada ay soo socdeen Mudo badan,islamarkaana ay fududeysay Xukuumada Adis-ababa.

Dr. Tedros Adhanom,ayaa warka uu soo dhigay Barta Twitterka uusan si hufan ugu faah faahin heshiis la gaaray iyo qodobada sida dhabta ah loogu heshiiyay inkastoo uu shaaciyay in heshiis dhab ah la gaaray Maanta saxiixa uu dhici doono.

‘Waxaan idiin hayaa war wanaagsan Juba iyo dowlada Somalia heshiis ayay ku gaadheen Addis Ababa, waa maalin weyn oo usoo hoyatay Somalia iyo guud ahaan gobolka. Maanta ayaa la saxiixi doonaa heshiiska,’’ ayuu yidhi wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia Dr.Tedros Adhanom.

Magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia ayaa maalmihii u danbeeyay waxaa ka soconayay kulan si wada jir ah isugu yimaadeen wafuud ka kala socota dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland garabka Axmed Madoobe,iyadoona isjiid jiid iyo dood badan ka dib hada la shaaciyay in heshiis laga gaaray.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: