Calendar

Ethopia oo Aqoonsiga Soomaaliya soo dhaweysay.

Wasaarada arimaha dibadda Ethopia ayaa si rasmi ah u soo dhaweysay ku dhawaaqista xoghayaha arimaha dibadda maraykanka Hilary Clinton ay ku dhawaaqday aqoonsi rasmi ah uu maraykanka siiyay dawlada soomaaliya kadib in kabadan 20-sano,xili Madaxweynaha Dowlada oo joogo Marayanka.

 

Wasaarada ayaa warsaxafaded ay soo saartay ku sheegtay in aqoonsiga maraykanka uu aqoonsaday Doawlada Soomaaliya ay timid kadib horumaradii ay xukuumada Soomaaliya u qaaday dhanka nabadgalyada iyo dagaananshiyaha wadanka soomaaliyaiyo sidoo kale hawlgaladii looga roonaday Al-Shabaab deegaanada ay gacanta ay ku hayeen.
Warsaxafadedka Wasaarada arimaha dibadda ethopia ayaa sidoo kale lagu shegay in aqoonsiga maraykanka uu wadada u furayo taageerada dhanka dhaqaalaha ah iyo midka caalami ee loo samenayo Dawladda wadanka Soomaaliya oo uu madaxda ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalkan kasoo yeerey Dowlada wadanka Ethopia ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili dhowaan Dowlada Maraykanka ay si rasmi ah u sheegtay iney aqoonsi buuxda siisey Dowlada cusub ee Soomaaliya waxaana arintaasi si aad ah usoo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: