Calendar

Faah faahin dagaalo saakay ka dhacay Muqdisho

dagaloWaxaa soo baxaya fah faahino dheeraad ah oo ku saabsan Dagaalo culus oo saakay  ka dhacay qeybo ka mid ah wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo maalmahii dhawaa noqotay goob dagaal.

Dagaalka saakay ayaa waxaa la sheegayaa inuu geystay qasaare isugu jirta mid nafeed iyo mid hantiyadeed,iyadoona uu dagaalka u dhaxeeyay ciidamada dowlada KMG oo garabsanaya kuwa Amisom iyo  ciidamada Al-Shabaab.

Wararka ay heleyso www.Bartamaha.com ayaa sheegaya in ciidamada Shabaabka ay dagaalo ku soo qaadeen xarunta wasaaradii hore gaashaandhiga,halkaasi oo ay haatan ku suganyahiin ciidamada Burundi iyo kuwa dowlada KMG.

Afhayeen u hadlay ciidamada Brundi ayaa sheegay inay iska caabiyaan weerarka ay saakay waaberigii ku soo qaadeyn Alshabaab,isagona xusay inay jabiyeen oo ay ku celiyaan meelahii ay horay ugu sugnaayeen shabaabka.

Sidoo kale warar madax banaan oo ay heleyso Warbaahinta www.Bartamaha.com ayaa xaqiijinaya inuu haatan yara istaagay dagaalka,isla markaana Ciidamada Shabaabka oo dagalka soo qaaday la jabiyay qasaarane ba’an la gaarsiiyay,balse nooma ay suurta galin inaanu helno qasaaraha dhabta ah ee kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

 www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: