Calendar

Faah-faahin: Qarax weyn oo lagu dhaawacay Masuul Dowladda ka tirsan

4Kaddib markii magaalada Muqdisho uu goor dhaweyd ka dhacay qarax ayaa la sheegay qaraax inuu geestay khasaaro kala gadisan,waxaana la xaqiijiyey inuu ku dhaawacmay qaraxa guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha hoose  Axmed Cumar Mudan.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka kacay qariga uu sarna guddoomiye ku-xigeenka,waxaana la sheegay in horey gaariga loogu soo diyaariyey walxaha qarxa,kuwaaso dhaliyey inuu dhaawacmo.

Waxaa uu qaraxa  ka dhacay agagaarka hoteel Ambassador ee waddada Maka Al-Mukarrama oo ah jid halbowle uu ah madaxda dowladda oo ay adegsanjireen,sidoo kale ujeedada qaraxa waxaa lugu sheegay inay ahaayd mid lugu doonayey in lugu khaarijiyo guddoomiye ku-xigeenka.

Xilligaan waxaa la sheegay in guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha hoose Axmed Mudan,lugu daweynayo dhaawiciisa mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho ku yaalla.

4

Mas’uulkaan la qarxiyey ayaa ahaa guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka gobolka Shabeellaha hoose.
Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo goor dhaweyd ka hadlay qaraxaan lala egtay guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka Shabeellaha hoose,ayaa sheegay in guddoomiye ku-xigeenkiisii dhinaca ammaanka laga jaray lug, sidoo kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen qaybta sare ee jirdkiisa.

3

 

“Waxaa uu ahaa  qaraxa mid loogu xiray gaarigiisa, waxaana kasoo gaaray guddoomiye ku xigeenkayga dhaawac culus, inkastoo lagu daweynayo hadda isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose.
Siidii,waxaa kalo uu sheegay in qaraxaan  ku tuhmayaan Al Shabaab, balse aysan jirin goob ay tuhmayaan in gaariga lagula xiray miinada.

Isku soo wada dubo ma jirto wali cid sheegatay mas;uuliyada qaraxaan marka laga soo tago tuhunka uu sheegay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: