Thursday, April 2, 2015

Faah Faahin: Warar kala duwan oo kasoo baxaya Qaraxyadii lagu qaaday Hotel Makka Al-Mukarama ee Muqdisho

qarax

qaraxMuqdisho(Bartamaha) Wararka u danbeeya ee kasoo baxaya Hotelka Makka Al-Mukarama oo galabta lagu qaaday weeraro Ismiidaamin ah ayaa sheegaya in wali xaalada Hotelka ay cakiran tahay,waxaana la sheegayaa iney gudaha Hotelka ka dagaalamayaan koox ka tirsan Al-shabaab oo si aada u hubaysan.

Ciidan fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa isku gadaamay nawaaxiga Hotelka,waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay isweydaarsanayaan kooxda weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Kooxda weerarka qaaday ayaa la tilmaamayaa iney gabi ahaanba damiyeen Korontadii Hotelka taasoo keentay iney ciidanka ku adkaato iney gudaha u galaan Hotelka,wararka ayaa sidoo kale intaa ku daraya in dad badan ay ku xayiran yihiin gudaha Hotelka.

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka lagu qaaday Hotelka Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdishow axayna sheegeen iney qasaaro badan halkaa ka geysteen,wali ma cadda qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxa

Comments

comments

You may also like

0 comments

Sign In

Register

Reset Your Password

Email Newsletter

cccc