Calendar

Fanaan caan ah oo geeriyooday

Ilaah ha u naxriiste Fanaankii waynaa ee Axmed Haybe Caraale ayaa lagu aasayaa magalada Muqdisho markii xalayto uu ku geeriyooday Isbitaalka oo la geeyay.

Fanaanka Axmed Haybe ayaa isbitaalka la geeyay markii sida ay sheegen qoyskiisa ay barartey coloosha.

Maareeyaha tiyaatarka qaranka abwaan Cabdi Dhuux ayaa ehellada iyo qaraabada uu ka baxay Axmed Heybe Carraale uga tacsiyeeyay geeridiisa, wuxuuna abwaanka sheegay in berrito aas loo sameyn doono.

Fanaanka ayaa lagu xasuustaa heeso badan oo macaana uu qaadi jirey oo ku jireen kuwo badan oo wadani ahaa,  waxana uu kamid ahaa tiradda yare e fanaaniinta ee aan dalka ka guurin mudadii ay dagalada sokeeye ay socdeen.

Wuxuu ifka kaga tagay todobo caruur ah oo isugu jira hablo iyo wiilal oo dhamaantood kuwada sugan Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya sida uu u sheegay warbaahinta Abwaan Cabdi Nuux.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: