Published On: Tue, Dec 11th, 2012

Fanaaniin caan ah oo tagtay Muqdisho [SAWIRO]

Share This
Tags

Qaar kamid ah bahda fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa dalka dib ugu laabtey iyagoona in muddo badan ku noola qurbaha.

Fanaaniin khaalid Shariif Axmed “King Khaalid”, Cabdi Xakiin Geeddi Fara Yare iyo Xasan Cujeyr Cajami oo kamid ah musishinadda ugu waawayn Soomaalida ayaa ka dagtey garoonka caalamiga ee Aadan Cadde International Airport.

Guddoomiye ku xiggeenkii hore ee gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim shaaweeye, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, dadweyne faro badan iyo Bar-baarta Gaashaaman ayaa si weyn uga qeyb qaatey soo dhaweynta fanaaniinta.

Fanaanka King Khaalid oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay dib in uu dib ugu soo laabto dalkiisa isagoona ugu baaqay Soomaalida ku nool dalka dibadiisa in ay dib ugu soo laabtan wadankooda.

Cabdi Fitaax Shaaweey oo isna la hadlay saxafada ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in fanaaniinta ay dib ugu soo laabteen wadankooda hooyo, waxana uu xusay in tani ay muujinayso nabad galyada dalka ka jirto.

Dib ugu laabashada fanaaniintan magalada Muqdisho ayaa noqonayso mid si weyn u dhiira galinaysa nabadgalyada ka jirta magalada Muqdisho, iyadoona tan iyo markii kooxda Al shabaab ay ka baxeen magalada Muqdisho ay ku laabanayeen Soomaali faro badan oo in muddo ah qurbaha ku nooleed.

DAAWO SAWIRADDA

Side u aragta fanaaniinta dib ugu laabatey dalkeena hooyo? Hoos ku qor aragtidada

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

About the Author

- Mohamed Mascuud is the Editor in Chief of Bartamaha.com and a Contributor to Soomaalo.com. Mascuud is a Young and talented Somali Journalist.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree

 



Bartamaha is a SMO Company [ Somali Multimedia Organisation ]  



Our Partners
Raxanreeb
Soomaalo

Somali Websites
Hiiraan
AllPuntland
Jowhar

Somali Radios
VOA Somali
BBC Somali

International
Al Jazeera English
Al Jazeera Eng. LIVE

CNN
New York Times
Time Mag
Newsweek
Huffington Post
Daily Mail


var tb_pathToImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/loadingAnimation.gif";var tb_closeImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/tb-close.png";