Calendar

Franck Rebary : Messi Waa Laacib Qatartiisa Leh Balse Taasi Ma Aha In Aan Ka Baqeyno:

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Bayern Munch Franck Rebary ayaa xaqiijiyay in Messi uusan la tartameyn naftiisa mooyee isla markaana uu ka sareeyo in la qiimeeyo , iyadoo hadalkaan soo baxayo ka hor kulanka Barcelona iyo Munich ee qeybta ka ah wareegga 4-ta ee Champions League.

Laacibkaan 30-sano jirka ah ayaa yiri ” Messi waa ku sareeyaa dhamaan qiimeynta weeraryahanada maxaa yeelay isaga uun ayaa naftiisa la tartamaya , ka dib inta soo hartay ayaa dhexdooda tartamaya “.

” Messi waa laacib halis ah , cid hor istaagi karta ma jiro , aad ayaan u tix gilinaa una qiimeynaa balse kama baqeyno , waxaana sugeynaa kulanka oo aan xamaasad iyo kalsooni aan u qabno , balse cabsi iyo wel wel ma aha’ ayuu sii raaciyay ” Franck Rebary.

Dhanka kale mar wax laga weydiiyay in uu ku laabanayo horyaalka Faransiiska gaar aaan kooxda PSG ayuu yiri ” PSG waa ay i daneynayaan sidoo kale madaxa ciyaaraha ee kooxda waa uu ila soo hadlay balse aniga haatan waxaan ku faraxsanahay PSG , waxaana rajeynayaa in aan ciyaaraha uga fariisto Bayern Munich .

Franck Rebary oo qaranka dalkiisa u matalay 72-kulan caalami ah ayaa sanadkii 2007-da kooxda Marseille uga gudbay Munich iyadoo funaanada Muncih uu ku xertay aduun gaaraya 25 milyan oo euro , waxa uuna hishiiskaas noqday mid ka mida ah hishiisyada ugu qaalisan horyaalka Jarmalka .

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment:

cccc