Calendar

VIDEO: Gabar Soomaaliyeed oo lagu weeraray dibedda masjid ku yaala magaalada Columbus Ohio

hate-crimeBartamaha (Ohio):- Gabar Soomaaliyeed ayaa la kulantay hanjabaad kaga timid nin Cadaan ah oo ugu hanjabay in uu dilayo.

Gabadhan oo u socotay Masjidka Abuubakar Sadiiq Ee Magaalada Columbus ayaa waxaa gaarigeeda soo daba dhigtay nin Cadaan ah oo markii ay ka dagtay ugu goodiyay in uu dili doono illaa dalkooda ay uga laabtaan Soomaalida.

Gabadhan oo ah 20-Jir Soomaali ah dagana Magaalada Columbus ayaa waxaa qalqal xoogan ay dareemaysay inta uu soo daba socanayay ninkaasi gaariga watay waxaana markii ay ku soo dagtay masjidka ay hanjabaadaasi kala kulantay ninkii gaariga ka soo daba watay.

Gabadhan waxa ay hadalkeeda raacisay in ninka Cadaanka ah uu u sheegay in Muslimiinta dhan uu beegsan doono waxaana uu ku furay sunta dadka ka ilmaysiisa markii uu gaarigiisa kala dhaqaaqayay goobta uu ugu hanjabay gabadhan Soomaalida ah.

Daawo Video-ga:-

Comments

comments

Category : Ohio, VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: