Calendar

Ganacsade ka dacwoonayo Hotel-kiisa oo si xoog ah loga haysto Muqdisho

Xaaji Yusuf Jaamac Degel (Cambe Cambe) oo la hadlay saxafada ayaa sheegay in hotel uu ku leehyahay magalada Muqdisho si xoog ah looga haysto.

Isagooo ka hadlayay magalada Garoowe , Xaaji Yuusuf waxa u sheegay inuu arintaas horey uga dacwooday dowladii KMG aheed, isla markaane aan wax laga qaban.

“Hoteelka Waxaa Iga Haysta Daahir Bakiin kira kama qaato waxuuna Ku Haystaa Xaaran Cad” ayuu yiri Xaaaji Yuusuf.

Hotelka oo ku yaala isgoyska KM-4 ee magalada Muqdisho ayaa iminka loo yaqaanaa Kuraasiya-cad, iyadoona horey loo oran jirey Degel, waxana ukasoo horjeeda hotel-ka Saxafi.

Xaaji Cambe Cambe ayaa sheegay sidoo kale uu u dacwooday odayaasha beesha uu kasoo jeedo ninka uu ku eedeyay inuu ka haysto hotel-ka, kuwaas oo u balan qaaday iney wax ka qaban donaan balse uu sheegay ineyssan jirin wax jawaab oo kusoo celiyeen.

Waxa uu xussay inuu sugayay dowlad caadil ah oo dalka ka dhalata taas oodib ugu soo celisa hotel-kiisa uu sheegay in qeybo cusub oo dhismo ah lagu kordhinayay afaafka hore ee jirdiimoyinka.

“Waxay Dowladda ii Sheegen inay Duminayaan qaybaha Layga Hor Dhistay Iguna soo wareejinayaan Laakin Hadda Waxaan Maqlayaa in uu Qaybo Shub ah oo hor leh uu Ka Hordhisayo, Dadka deggan iyo Dhamaan Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaya Waa Xaraan layga Dhacay Xoogna Layga Haysto” ayuu Yiri Cambe Cambe.

Waxa uu baaq u direy maamulka gobolka, wasaarada arimaha gudaha, iyo hogaanka sare ee dowlada uu ka dalbaday in hantidiisa uu sheegay in si xoog ah loga haysto dib loogu so celiyo.

Ma inoo suura galin inaan helno masuuliyiinta hotel-ka ee lagu eedeyay iney sida xooga ku hastan.

Dad badan ayaa hantidooda si xoog ah looga haysta wadanka Soomaaliya, tan iyo burburkii dowladii Maxamed Siyaad Barre.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: