Calendar

Garaad C/llaahi Cali Ciid oo siweyn udhaliilay socdaalkii siilaanyo ee Laasqoray

Bosaso_ Garaad C/llaahi Cali Ciid oo ah afayeenka Isimada Puntland kana soo jeeda gobalka Sanaag, ayaa si kulul uga hadlay socdaalkii uu madaxweyne Siilaanyo ku yimid degmada Laasqoray.

Garaadka ayaa ku sheegay Safarka Siilaanyo inuu ahaa mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah sida uu hadalka udhigay.

Waxaa uu cadeeyay in degmada Laasqoray ay kamid tahay Puntland, bulshada kunoolna ay kasoo horjeedaan faragelinta uu maamulka Soomaliland ku hayo deeganada gobalka Sanaag.

Garadka aya sheegay in aan looga baahnayn Madaxwyne Siilaanyo in qaab dhuumalaysiya uu ku yimaado deegano kamid ah Puntland, waxaana uu cadeeyay in arrintani ay u arkaan faragelin lagu hayo xuududaha Pl.

Garadka aya dhinaca kale waxa uu dhaliilay jawaabta ay Puntland ka bixisay safarka uu madaxweynaha Soomaliland ku yimaaday Puntland.

Waxa uu cadeeyay in aan looga baahnayn dowlada Puntland iany Laasqoray ka dhigto meel aan katirsanayn Puntland, isagoona siyaasad xumo ku sheegay hadalkii uu wasiirku ku yiri in laga argagaxay safarka Siilaanyo.

www.Bartamaha.com

 

 

 

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: