Calendar

Garoonka Kubadda Cagta ee Baladweyne oo dib loo hagaajiyey [SAWIRO]

Ciidamada Jabuuti ee ka qeybta ah ciidamada nabad ilaalinta afrika ee AMISOM ee jooga magalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa dayactir balaaran ku sameyay garoonka kubadda gacta ee magalada Baladweyne.

Xaflad dib loogu furayay garoonka ayaa ka dhacday magalada Baladweyne halkas oo kasoo qeyb galeen saraakiisha ciidamada Jabuuti, maamulka gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Furitaankii Garoonka ayaa waxa ka qabsoontey cayaar dhex maraysay labo kooxood oo si weyn ugu xafiltanta magalada Baladweyne oo la kala yiraahdo Buundo-weyn Vs Howlwadaag oo kooxdii ku cayaaraysay magaca xaafadda Howl-wadaag ay ku badisay.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee ka socda Jabuuti oo ka hadlay xaflada furitaanka waxa uu sheegay in sababta ay u dayactireen garoonkan ay salka ku hayso sidii ay dhalinyarada ugu madadaalan lahayeen, iskuna dhex gali lahayeen, taas oo ah horseedka nabaddda.

DAAWO SAWIRADDA

 

__________

Aragtidada hoos ku reeb

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Featured, Maqaallo / Articles, Sports.
« »

Comment: