Calendar

Golaha Amaanka oo diiday inuu maalgaliyo ciidamada badda ee jooga Soomaaliya

Golaha amaanka ee qaramada Midoobe ayaa diiday inuu ogoalaado codsi uga yimid dhinaca midowga Afrika oo ahaa iney dhaqaalo siiyaan ciidmada badda ee Kenya oo ka howlgalayo xeebaha Soomaaliya.

Warkaan oo lagu soo daabacay wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya kazoo baxa waxa uu sheegay isagoo soo xiganaya ku-xigeenka safiirka Koofur Afrika ee Qaramada Midoobe  in “Saddex ama Afar” kamid ah 15-ka xubnood ee golaha Amaanka ay kazoo horjeesadeen in dhaqaalaha lasiiyo ciidamada badda Kenya eek amid noqonayo howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wargeysta ayaa inrtaaasi raaciyay in wadamada diiday ay kamid tahay wadanka France oo codka diidmada qayaxan (VETO) ku dhex leh golaha amaanka.

Ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Kenya ayaa waxa ay kamid ahayeen kuwii gacanta ku dhigay magalada Kismaayo, sidoo kalane duqeemo horey halkaasi ka geystey, waxana wararka ay sheegayaan iney ku sugan yihiin magalada Kismaayo

Golaha amaanka ayaa waqtiga ay sii joogaayaan AMISOM wadanka Soomaaliya kordhiyay isagoo ku daray 4-bilood taas oo ka duwaneed sidii caadada aheed oo loogu dari jirey muddo sanad ah, waxana uu codsaday in arimaha dhuxusha Soomaaliya ay tahay in la isku soo raaco.

Dadka wax falan qeeya ayaa sheegaya in sababta xilligan kooban loo siiyay howlgalka AMISOM ay tahay qatarta ay galinayso Uganda iney ciidamadeda kala baxayso Soomaaliya, hadii Qaramada Midoobe aysen ka laaban warbixin ay ku eedeynayso dowlada Uganda iney taagerto mucaaradka Congo.

 

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: