Calendar

Guddomiyaha degmada Xarfo oo maxkamadu dib usiisay Xoriyadisa

Garoowe_ Waxaa maanta lasoo gaba gabeeyay maxkamad ka furneed eedaymo loo haystay Guddomiyihii degmada Xarfo C/llaahi Faarax Bayle iyo Saddex kale oo edaysanayal ah.

Guddomiyaha Degmada Xarfo iyo saddexda edaysane ayaa loo haystay arrimo la xiriira Musuq – maasuq iyo lunsashada deeq raashin ah oo Turkiga ka timid kaasi oo loogu tala galay dadka ku nool Xarfo.

Maalmo ay socotay dacwada Guddomiyaha iyo raga la eedaysan, waxaa maanta maxkamada magalada Garoowe ay sheegtay in wax dambiya lagu waayay gudoomiyihii xarfo.

Maxkamada ayaa dib xoriyadisa usiisay guddomiyaha kadib markii la sheegay in wax cadayma ah lagu wayay eedaymaha loo haystay.

Maxkamada ayaa dhinaca kale mid saddex sano oo xarig ku riday saddexdii eedaysane ee loo haystay kiiskani, waxaana ku jiray dareewalkii waday gaariga siday raashinka iyo mulkiilihii gaariga lahaa.

Guddomiyaha degmada Xarfo ayaa ku eedeyay maamulka gobalka Mudug inuu ka dameeyay eedaymaha loo haystay, uuna ku faraxsan yahay inuu xoriyadisa dib uhelo.

 

DSCN9899

www.Bartamaha.com

 

Comments

comments

Category : Featured, Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: