Calendar

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo si heer sare ah Muqdisho Loogu Soo Dhaweeyey “SAWIRRO”

This slideshow requires JavaScript.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed
Sheekh Cusmaan Jawaari uu hogaaminayey waxaa kusoo dhaweeyey garoonka
diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho Gudoomiye ku xigeenka Koobaad
ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,Wasiirro ka tirsan
Xukuumadda,inta ugu badan XIldhibaannada Golaha Shacabka,saraakiisha
Ciidammada,waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa oo ahaa XIldhibaanno ka tirsan
Baarlamaanka ayaa mid mid u gacan qaaday dhammaanba xubnihii kusoo
dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaana
soo dhaweyntaasi kadib uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh
Cusmaan Jawaari saxaafadda kula hadlay qeybta nasashada garoonka
diyaaradaha Muqdisho isaga oo faah faahin ka bixiyey safarkii shaqo ee
wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen dalka Kuwait halkaasi oo uu uga
qeybgalay shir madaxeedka dalalka carabta iyo Afrika islamarkaasina
khudbad ka jeediyey.

Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan
Jawaari ayaa tilmaamay inuu kulammo gaar gaar ah kula qaatay dalka Kuwait
madax ka kala tirsan caalamka sida Madaxweynayaasha iyo Gudoomiyeyaasha
Baarlamaannada dalalka Carabta iyo Afrika ayadoo dhammaan xubnihii uu la
kulmay uu u gudbiyey fariinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya,sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay iney soo dhaweyso dal kasta
oo maalgashi ku sameynaya iyo sida loogu baahanyahay in dalalka Carabta
iyo Afrika ay ka qeybqaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay duufaantu
saameysay ee ku dhaqan gobollada Puntland.

Markaasi kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kormeeray xarunta Golaha Shacabka oo
dib u habeyn lagu sameeyey gaar ahaanna qeybta ay ku shirayaan
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo howlihii dib u habeynta ahaa ee lagu
waday lasoo gebagebeeyey.

—DHAMAAD—

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: