Calendar

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo gaaray magaalada Kampala “SAWIRRO”

JAWARI

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa duhurnimadii maanta gaaray magaalada

Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxaana Gudoomiyaha iyo wafdigiisa

kusoo dhaweeyey garoonka diyaaraha Entebbe International Airport kusoo

dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Uganda iyo Mas’uuliyiinta

Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Uganda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa waxaa loosoo galbiyey hotelka loo

diyaariyey in la dejiyo ee Emperial Royale Hotel oo aad ugu dhow dhismaha

Baarlamaanka dalka Uganda waxaana durbaba ay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo

wafdigiisa ay Hotelka ku qaabileen mas’uuliyiin ka socotay Baarlamaanka

Uganda oo ay la qaateen kulammo hordhac u ah kulammo guud oo ay labada

Baarlamaan wada yeelan doonaan.

Socdaalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh

Cismaan Jawaari iyo wafdigiisa ay ku joogaan ayaa ka dambeeyey kadib

markii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa

dalka Uganda ayadoo maalinnimada berri oo Talaado ah haduu Alle idmo ay

labada Gudoomiye wada saxiixan doonaan heshiis rasmi ah oo dhabaha u

xaaraya in labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Uganda ay si joogta ah u

wada shaqeeyaan.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa ka mid ah,Gudoomiye ku xigeenka

Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad,Gudoomiyaha gudiga

Dastuurka Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim,Xildhibaan Aadan Ibraahin

Dhaayow oo ka tirsan gudiga Beeraha, Xildhibaanad Maryan Aweys Jaamac oo

xubin ka ah gudiga arrimaha Bulshada,Xildhibaan C/laahi Maxamed Xirsi oo

xubin ka ah gudiga Dib u heshiisiinta,Xildhibaanad Faadumo Odawaa

Raage,Marwada Gudoomiyaha Baarlamaanka Marwo Xaawo Ibraahin Aadan iyo

saraakiil ka tirsan xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka.

 

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad

oo ka mid ah Wafdiga oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kampala ayaa

sheegay in socdaalkan uu ahaa mid ay in mudo ah ka wada shaqeynayeen

xoghayeyaasha guud ee Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda oo iyagu

diyaarinayey heshiiskan wada shaqeynta labada Baarlamaan,sidoo kalena waxa

uu Mudane Mahad Cabdalla cawad sheegay in ay wafdigu la kulmi doonaan inta

ay joogaan magaalada Kampala Jaalliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee wax

ka barta jaamacadaha dalka Uganda.

 

—DHAMAAD—

 

 

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

 

Media & Public Relation Office Of Speaker

 

Email:- [email protected]

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Photos.
« »

Comment: