Calendar

Gudoonka Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Ka Tirsan Baarlaamaanka Oo Muqdisho Lagu Dilay

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan
Jawaari ayaa mudanayaasha Baarlamaanka iyo guud ahaanba shacabka
Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan
ka tirsan Baarlamaanka oo caawa Muqdisho lagu dilay.

Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn ku bilaabay hadalkiisa “inaa lilaahi wa
inaa ileyhi raajicuun kulu nafsin daa’iqatul mowt waxaan
xildhibaannada Baarlamaanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga
tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle naxariistii jano
ha siiyee Marxuum Mustaf Xaaji Maxamed oo baarlamaanka ka
tirsanaa,runtii waa geeri xanuun leh,si gaar ahna waxaan tacsi ugu
dirayaa eheladii uu ka geeriyooday marxuumka”

Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “waxa uu
ahaa muwaadin u istaagay ka qeybqaadashada samatabixinta shacbiga
Soomaaliyeed iyo hirgelinta hanaanka Dowladnimo Xildhibaan Mustaf
Xaaji Maxamed kooxo arxanlaaweyaal ah ayaa dilay xili uu kasoo baxay
masjid uu kusoo cibaadeystay oo waajibkii uu Alle ku faralyeelay soo
fuliyey,ayaga ayaase caawa dhib qaba”

“Waxaan u sheegaya Shacabka Soomaaliyeed in marxuum Mustaf uu
waqtigiisa intaa ku ekaa laakiin hadaannahay xildhibaannada
baarlamaanka ee u dhaartay dalka iyo dadka marnaba falalka noocaan ah
nagama niyad jiben doonaan gudashada waajibaadkii aan u
dhaaranay,weyna naga go’antahay inaan ka miradhalino go’aanka aan
dowladnimadeenna ku xoojisaneyno,dalkeenana ku hormarineyno”ayuu
hadalkiisa sii raaciyey Prof Jawaari.

Ugu dambeyntii gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari
ayaa shacbiga Soomaaliyeed ka codsaday iney muujiyaan isku duubnidooda
islamarkaasna ay ka qeybqaataan hormarka dalkooda ayagoo Dowladoodana
ku taageeraya shaqadii ay u idmadeen.

Dhamaad

Xafiiska Warfaafinta Gudoonka Baarlamaanka

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: